Dowlada Kenya oo Maxkamadeyneysa Sarkaal looga shakiyay in uu ka mid yahay Alshabaab

Dowladda Kenya ayaa maxkamadaynaysa Sarkaal ka tirsanaa bilays-ka dalkeeda, markii lagu lagu eedeeyay inuu wax kaso maleegay weerarkii argagixiso ee ka dhacay saldhigga booliiska degaanka Kapenguria.

Abdi Jelle Ali, ayaa loogu tuhun qabaa inuu xiriir la lahaa kooxda weerarkaasi fulisay, kaasoo Maxkamadda hor iman doono maanta oo ay bisha August tahay 4, si wax looga weydiiyo eedeymaha loo haysto.

14-kii July ayay ahayd markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday saldhig Boolis oo ku yaalla degaanka Kapenguria ee galbeedka Kenya, halkaasoo uu ku dilay 7 sarkaal,iyadoo markii dambe ay laamaha ammaanku u garteen cidda ka dambeysay inuu ahaa Abdi Hakim Maslah oo ka mid ahaa Saraakiisha Boliiska.