Dowlada Kenya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay sargaal ka tirsan Alshabaab.

War ka soo baxaya Dowlada kenya ayaa lagu shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin udhashay dalka Ugandha oo ka tirisnaa Xarakada alshabaab.

Booliska dowlada Kenya ayaa sheegay in Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in magaalo xeebeedka Kwale la yiraahdo ka xireen ninkan u dhashay dalka Uganda oo ay ku sheegeen inuu ka tirsanyahay Xarakadda Al-Shabab isla markaana uu abaabulayay weeraro ka dhaca dalka Kenya.

Afhayeen uhadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in ninkaan oo magaciisa la yiraahdo Mwandego Max’ed inuu abaabulayay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay magaalooyin ku yaala Gudaha dalka Kenya.

Dhinaca kale Taliyaha booliska magaalada Kwale Stephen Muli ayaa isna shaaca ka qaaday in qofka la qabtay oo haysta baasa boorka Uganda in gurigiisa laga helay waxyaabo qarxa oo uu farsamaynayay iyo dukumiintiyo muujinaya xarumo la qorsheeyay in la weeraro lagu ekeeyo.