Dowlada Mareykanka oo Cambaareysay Weerarkii Xalay lagu qaaday Banaadir Beach

Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii arxandaradda ahaa ee xalay lagu qaaday Maqaayadda Banaadir Beach ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ay soo saaratay Safaaradda Dawladda Maraykanka ay ku leedahay Muqdisho ayaa waxay ku tiri “Waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo asxaabta Dadkii ku geeriyooday weerarkii bahalnimada ah, anagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajaynayna caafimaad deg deg ah,”.

War saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doontaa taageerada ay siiyo shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda, iyadoo sidoo kalena Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka caawin doonta sidii Wadanka oo dhan loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni, loona sifayn lahaa kooxaha nabad-diidka.