Dowlada Sacuudiga oo ku dhawaaqday in Maalinta Beri ay si Rasmi ah u Bilaabaneyso Qaabilaada Xujeyda sanadkan Beytka alle booqanaya

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in berri oo Khamiis ah,taariikhduna tahay 1-da Bisha 11aad ee Hijriga(DulQacdah),ay billaabaneyso qaabilaadda Xujeyda ka imanaya dalalka Caalamka.

Waxaa ay Maanta oo Arbaco ah Dowladda sheegtay in ay dhameystirtay dhismayaasha Garoomada Diyaaradaha iyo kuwa ay degayaan Dadka xujeyda ah ee Caalamaka ka imanaya berrina ay qaablaadda billaabaneyso.

Dowladdu,waxaa ay sheegtay in Sanadkan la filayo in ay Xajka tagaan 1.4Milyan oo Xujey ah taas oo 5% ka badan Xujeydii Sanadkii hore tagay Xajka.

In kabadan 7,000 oo Shaqaale ah ayaa loo diyaariyey habeynta iyo ka shaqeynta Nidaamka Xajka ee Sanadkan,waxaana shaqaalahaas ay kala matalayaan Dalalka ay Dadkooda u xajinayaan Sucuudiga Sanadkan.

4-ta August ayey billaabn doontaa qaabilaadda ,waxaana ay ku egtahay 5-ta September ee Sanadkan,sidoo kale dib u laabashada ayaa billaaban doonta 17-ka September ilaa 16-ka October.

Duullimaadka ugu horreeya waxaa uu ka tagayaa dalka Hindiya,waxaana la socda 1,36,020 oo Xujey ah Barri ayeyna ka dagi doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Madiina.

Ballaca Xajka ayaa la ballaariyay waxaana la gaarsiiyay 90,000M isku wareeg ah iyo 160,000M oo isku wareeg Hawada u furan ah,waxaana Xujeyda Sanadkan ay ka tagayaan 142 Dal oo Caalamka ku kalayaalla sida ay shaacisay Wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga maanta oo Arbaco ah.

2,678,oo duullimaad ayaa la rajeynayaa in ay tagi doonaan Xajka kuwaas oo wada Xujeyda ka baxaya daafaha Caalamka,waxaana ay gudanayaan mid ka mid ah 5-t tiir ee Islaamka.

KhalId Al-Faysal, oo ah Amiirka Makkah,sidoo kalena ah la taliyaha Ilaaliyaha labada Masaajid ee Barakeysan,ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Max’ed Saalax Bataan,waxaana ay ka wada hadleen habka cusub ee Sanadkan lagu soo kordhiyay Xaja ee loo yaqaan E-Track System.