Dowlada Soomaaliya oo si KMG u joojisay Qaadkii kaga imanayey Wadanka Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dhamaan duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya laga bilaabo barito oo talaado ah oo bisha September ay tahay 6 sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.

Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in duruufo jira awgood ay si kmg ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliy isagoo ka gaabsaday in uu carabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Qaadka laga keeno Wadanka Kenya ayaa  ahaa qaadka ugu badan ee Wadanka soo galo iyadoo dhowr diyaaradood ka degaan maalin walba magaalooyin ku yaalo koonfurta bartamaha iyo waqoyi bari oo ay caasimada ku jirto waxaan wadanka Kenya ka soo gala qarash aad iyo aad u fara badan.