Dowlada Mareykanka oo Taageereysa Doorashada Soomaliya ka dhaceysa Dhamaadka Sanadkaan

U.S. Secretary of State John Kerry speaks about the Ukraine crisis after his meetings with other foreign ministers in Paris, March 5, 2014. Kerry spoke to reporters at the U.S. ambassador's residence in Paris. REUTERS/Kevin Lamarque (FRANCE - Tags: POLITICS)

Wasaarada arimaha dibada dowladda mareykanka ayaa markale sheegtay in ay taageereyso Doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo.

War ka soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka qeyb qaadaneyso Doorashada 2016-ka Soomaaliya ka dhaceysa.

Xog-haye Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimuqraadiyad fadhida.

Warka Xoghayaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in Doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.