Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada Dalka oo Muqdisha ku shiraya Maanta

Magalada Muqdisho maanta waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco Shir muhiim ah oo u dhaxeyn doona Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka .

Dhamaan Wasiirada Arimaha Gudaha Maamul goboleedyada Dalka ayaa soo gaaray Muqdisho waxaana Shirkaan Shir gudoomin doono Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka C/Raxmaan Odowaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa shirkaan sidoo kale ka qeyb gali doono Waxaana kulankaan looga arinsan doona Dhismaha Dowladaha hoose ee maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Mudada uu socon doono lama oga waxaana Wasaarada Arimaha Gudaha ay sheegtay in Shirkaan muhiim uu uyaha Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ka Hana qaaday.