Dowladda Nigeria oo muteysatay ganaax balaayiin doolar ah.

Xaakim British’ah ayaa ku amray dowladda Nigeria in ay bixiso lacag gaaraysa $9 bilyan taas oo lasiinayo shirkad yar oo si gooni ah loo lay’yahay.

Shirkadda, P&ID, ayaa heshiis lagaartay dowladda Nigeria sanadkii 2010’kii heshiiskaas oo ku saabsanaa soo saarista  gaaska dabiiciga’ah iyadoona labo sano kadib heshiiskaasi uu guul daraystay.

Kadib shirkadda P&ID, ayaa ku eedeesay dowladda Nigeria in ay ku guul dareesatay in ay siiso gaas ama ay dib ugu hawlgaliso dhuumaheedii shidaalka oo ay horay ugu balan qadaay.

Shirkadda ayaa markeedii hore lagu abaal mariyay lacag gaarayso $6.6 bilyan sanadkii 2017’dii balse maxakamda London ayaa intaasi ugu dartay $2.4 bilyan oo dul saar ah.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku waramaysa in Shirkaddu ay sheeganayso dul saar gaaraya $1.2 milyan oo ay lahaayeen maalin kadib markii uu heshiiskani bur buray.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in Maxkamada Ganacsiga ee London aysan awood u lahayn go’aan ka gaarida murankan.