Dowladda Somaliya oo ku baaqday in Si Deg Deg Ah loo joojiyo dagaalada ka socdo Gaalkacyo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir

“Maareeye” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo jooji dagaalada ka soo

cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay dirirta u dhexeysa dadka walaalaha ah ee wada

daga deegaannada gobolka Mudug, waxa uuna ugu baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo colaadahaas, maadaama ay

dhalinayaan dhiilo colaadeed oo intaan ka badan.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay kana digeysaa in colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada

daga gudaha magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale dowladdu waxa ay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo

Puntland, wasiirada salaadiinta iyo waxgaradka ugu baaqeysaa in ka shaqeeyaan joojinta colaadaha sii huraya ee ka

jirta gobolka Mudug, si dib loogu soo celiyo wadanoolaanshihii iyo isusocdka bulshada” ayuu yiri, Wasiirka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir

“Maareeye”.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii tilmaamay in dowladda ay waqti badan galin doonto sidii xal waara looga gaari lahaa

dagaalada ku soo noq noqday deegaanada gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.