Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe oo la sheegay in uu ku dhintay Hogaamiyaha Alshabaab

Warar aan la Xaqiijin ayaa sheegaya in Duqeyn Diyaaradeed oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday Degmada Saakoow  Ee Gobolka Jubbada dhexe islamarkaana ay Fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidan Mareykan ah lagu dilay Saraakiil uu ka mid yahay Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeynta oo lala bartilmaameedsaday Guri uu ku sugnaa Hogaamiyaha Al-shabaab,waxaana soo baxaya Wararka ah in Duqeynta uu ku dhintay Hogaamiye Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka midna weli wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Duqeynta ka dhacday Degmada Saakoow.

Sidoo kale Xarakada Al-shabaab kama hadlin waxa ka jira Duqeynta la sheegay in lagu dilay Hogaamiyahoodii.

Mareykanka ayaa Sanadkii 2014 Duqeyn Diyaaradeed ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.