Duqeyn Xoogan oo ka dhacday Dagmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Diyaaradood dagaal ay habeen hore saqdii dhexe duqeyn la beegsadeen guri ku yaalla bamaanka degmada Saakoow.

Sida ay sheegeen saraakiil ku suggan gobolka, guriga la wareeray ayaa la aaminsanyahay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Waxaa yar faahfaahinta laga heli karo duqeyntaa iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay.

Waxaa la jaray isgaarsiinta degmooyinka Bu’aale, Saakoow , Salagle iyo deegaano kale oo gobolka ka tirsan.