Duqeyntii ka dhacday Saakow oo Warar Cusub ay ka soo baxayaan

Sida aan xogta ku helnay waxaa kooxda Al-shabaab ay Xabsiga dhigeen horjoogayaal sare & dagaal-yahano dhowr ah kuwaas oo la sheegay in ay faafiyeen geerida amiirka kooxdaasi al shabaab abu-cubeyda.

kooxda ayaa Horjoogayaasha iyo Dagaalyahaanada siyaabo kala duwan ugu xirxiray Gobollada Sh/Hoose iyo Jubbadda Dhexe kuwaasi oo wax iska weydiinaayay suuragalnimada in Abuu Cubayda uu ku dhintay duqeynta.

Horjoogayaasha la xiray ayaa xilal u hayay maleeshiyada ka dagaalanka Goboladda aan kor kusoo xusnay waxa ayna sababtu tahay inaan laga hadal arrimaha khuseeya Abuu Cubayda iyo duqeyntii ka dhacday degmada Saakow.

Mid kamid ah Horjoogayaasha ay xireen maleeshiyaadka ayaa lagu helay isaga oo fariimo qoraal dhanka Mobilka ah u diyaaray Horjoogayaal kale isla markaana u xaqiijinaayay in lagu soo wargaliyay in qadar yar un ka hor xiliga duqeynta uu Abuu Cubayda galay xarunta la duqeeyay balse aanu jirin war cadeynkara geeridiisa misna noloshiisa.

Wakaalado ay kamid tahay Wakaaladda wararka Shinwa ee Shiinaha wararka u faafisa, ayaa qortay in duqeyntaasi lagu laayay Horjoogayaal iyo Dagaalyahaano badan, balse waxa ay shaki galisay geerida Abuu Cubayda iyo ninka codbaahiyaha u ah Al-shabaab ee loo yaqaan C/Casiis Abu Muscab.

Ma jirto warbixin ku saabsan arrintaani leysla dhexmaraayo ee ku aadan geerida Abuu Cubayda oo kasoo baxday maleeshiyada Al-shabaab, balse dowlada USA waxa ay xaqiijisay inay dishay rag miisaan ku dhex leh Hogaanka sare ee Al-shabaab.