Duubabka Dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Waxa ay ku Heshiiyeen in Doorashada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ,Iyadoo Waqti yar uun Ka Harsantahay Xilligii Loogu Talagalay In la Qabto Doorashooyinka La Filaayo In ay Ka dhacaan Gudaha Dalka.
Markii ay Shir Wada Tashi ah la Yeesheen 25-kii sebtember 2016 Guddiga Federalka iyo Hirgalinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddiga Dowlad Goboleedka iyo Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) Ka Dib Falanqeyn iyo dood Markii ay Yeesheen Duubabka Dhaqanka ee ka soo Jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxeyna isku Afgarteen In Doorashada iyo Xulista Baarlamaanka oo Ka Dhicilaheyd Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe In loosoo Wareejiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka,Si ay u Sahlanaato Habsami u Xulidda Xildhibaanada Cusub Waqtigii Loogu Talagalay.