Everton Vs Man United: Wiilasha Mourinho Ayaa Guuleystay Sedexdii Kullan Ee Ugu Dambeeyay Ee Xilli Ciyaareedkii Hore

Man United ayaa Everton ka horageysa iyadoo Rooney uu ka maqan yahay maadaama kaarkiisii 5-aad ee digniinta ee xilli ciyaareedkaan uu ku qaatay kulankii LFL Cup-ka ee ay la ciyaareen West Ham

Luke Shaw ayuu shaki ku dahaaran yahay ka dib markii uu muruqa boowday dhawaan halka Pogba iyo Fellaini ay ku soo laabteen tababarka

Xogta Kulanka

* Man United ayaa guuleystay dhamaan sedexdii kullan ee ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore , iyadoo midkii ugu dambeeyay uu ahaa semi finalkii Fa Cup-ka

* Sidaas oo ay tahay Everton ayaa badisay sedex kullan oo qeyb ka ah 4-toodii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay garoonkooda kula ciyaareen Man United

* The Toffees ayaa badisay hal kullan 8-dii kullan ee ugu dambeeysay horyaalka, sedex bar bar dhac iyo guulo darro ayay haystaan

* Everton ayaa ka mid ah afar koox oo aan weli garoonkooda lagu garaacin xilli ciyaareedkaan , sedex badis iyo sedex bar bar dhac ah ayay wataan

* United ayaa leh 20- dhibic waana markii ugu hooseyeen 13 kullan tan iyo sanadkii 1990-kii

*United ayaa badisay kaliya laba jeer 10-koodii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ,laba badis, 5 bar-bar dhac iyo sedex guul darro

* Lukaku ayaa United ka hor tagay 6 jeer isaga oo Everton jooga balse weli gool kama dhallin

SHAXDA MACQUULKA AH:

Everton (4-2-3-1): Stekelenburg; Coleman, Jagielka, Williams, Baines; Gueye, Barry; Bolasie, Barkley, Mirallas; Lukaku.

Man United (4-2-3-1): De Gea; Darmian, Rojo, Jones, Valencia; Pogba, Herrera; Martial, Mata, Mkhitaryan; Ibrahimovic

Kulanka: Everton v Man United

Garoonka: Goodison Park

Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Michael Oliver