Faah Faahin dheeraad ah oo laga helaayo Dagaalka Saakay ka dhacay Dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Faah Faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Dagaal saakay a dhacay Gudaha dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka gedo.

Dagaalka oo Mudo socday islamarkaana u dhaxeeyay Maleeshiyo Isku dayday in Rabsho ay kiciso iyo Ciidanka Jubbaland ayaa hada waxaa lasoo sheegaya in uu istaagay.

Ciidamada Jubbaland ayaa Gacanta ku dhigay 10 ka mid ah Maleeshiyadii Ciidanka la dagaalantay iyadoona Xaalada Magaalada ay tahay Mid dagan.

Dagaalka Saaka dhacay ayaa waxaa ku dhintay inta la og yahay illaa Afar Qof,iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 8 Ruux.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan Dhinacyadii ku Dagaalamay Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Dagmada Beled-Xaawo weli kama aysan hadlin dagaalka Saakay ka dhacay Gudaha Beled-xaawo iyo Duleedka Magaalada.