Faah Faahin Dheeraad ah oo laga helaayo Nabad-doon Caan ah oo Galabta lagu dhaawacay Dagmada Caabud-waaq


Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Gor dhaw magaalada ay is qabsatay Rasaas Xoogan oo Hal jiho laga maqlay Taasi oo ay suura gal tahay in ay ka dhalatay Khasaare kala duwan.

Warar Madax Banaan oo Shaaciye24 uu ka helay ilo xog ogaal ah oo Caabud-waaq ku sugan ayaa waxa ay sheegayan in Rasaasta lagu dhaawacay Nabad-doon Caan ka ahaa Magaalada.
Nabad-doonka la Dhaawacay ayaa lagu Magacaaba Nabad-doon Muuse Geelle Bulxan waxaa kaloo la sheegay in Dhimasho iyo dhaawacyo kale ay ka dhalatay Rasaasta.

Warar hordhac ah oo Horay usoo baxay ayaa sheegayay in Nabad-doonka uu Rasaaska ku geeriyooday ha yeeshee War kale oo Hada aan helnay ayaa muujinaya in Nabad-doonka uu dhaawacmay.

La soco wixii ku soo kordhaa Insha allah