Faah faahin dheeraad ah oo laga helaayo Qarax Qasaatro geystay oo maanta ka dhacay Dagmada Beled-Xaawo

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax ka dhacay Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka gedo kaasi oo qasaaro kala duwan geystay.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Qaraxa uu ka dhacay meel suuq ah oo dad badan ay ku sugnaayeen iyadoona qaraxa uu kusoo beegmay xili suuqa laga kala hoyanaayay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen, sida Wariyaha Risaala ee Magaalada Beled-xaawo uu soo sheegayo.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaraxan ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamo ka tirsan Dowladda oo xilliga uu Qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa, inkastoo wararkaas aanan si rasmi ah loo hubin.