Faah Faahin Dheeraad ah oo Laga Helaayo Qaraxyo Is xig xigay oo ka dhacay Xadka u dhaxeeya Soomaliya iyo kenya

Wararka naga soo gaaraya Xaduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ayaa sheegaya in ay ka dhaceen Labo Qarax oo Is xig xiga.

Qaraxyada ayaa ka dhacay Goob Ciidamada Kenya ay dadka ku baaraan oo ku taalla inta u dhaxaysa  Magaalooyinka Baled-xaawo iyo Mandheera.

Illaa hadda lama Oga Khaasaraha ay sababeen Qaraxyada lala beegsaday Ciidamada Dowladda kenya ee Xaduuda jooga.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen Miinooyinka Meelaha Fag laga hago ee Remote Control-ka  ah.