Faah Faahin Dheeraad ah oo laga helayo Nin Ganacsade ah oo maanta lagu dilay Galkacyo

Kooxo Hubeysan ayaa Maanta Magaalada Galkacyo waxa ay ku dileen Nin Ganacsade ah oo kamid aha agnacsatada Magaalada aad looga yaqaano.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari maraayay bartamaha suuqa magaalada Gaalkacyo , waxaana ay dil u geysteen Ganacsade Cabdulaahi Cusmaan Axmed, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray hal qof sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah.

Dilka Ayaa ka Dhacay Goob labada Dhinac ee Magaalada u Dhaxeysa Waxana Dilkaasi Fuliyay Kooxo Hubeysan oo aan Heebtooda la Garaneen,

Ilaa hada lama oga Kooxda Dilka u geysatay Ganacsatada waxaase wararka qaar ay sheegayan in Ninkaan loo dilay Aano qabiil .

Xiisad ayaa la sheegaya in Hada ay ka jirto Magaalada Galkacyo waxaana dilkaan uu Imaanaya iyadoo Maalmihii ugu Dambeeyay ay jirtay Xiisad u dhaxeysay Maamulada Puntland iyo Galmuudg inkasto Maalintii Shalay heshiis hordhac ah laga gaaray xiisadii islamarkaana la kala qaaday Ciidankii isku horfadhiyay Galbeedka Magaalada galkacyo.