Faah faahin ka soo baxeysa Qasaaraha ka dhashay Madaafiic Xalay lagu Garaacay Baydhabo

1Qof ayaa ku dhintay 5 kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii Xalay Saqdii dhexe duqeyn ku billaabatay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Xarumaha la duqeeyay waxaa ka  id ah Garoonka Diyaaradaha Shaatiguduud ee Baydhaba,xarumaha Ciidanka Itoobiya iyo madaxtooyada maamulkaasi.

Sidoo kale Madaafiic ayaa ku dhacay Xaafadda Wadajir ee Magaalada Baydhaba,waxaana ka dhashay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah.

Qofka dhintay ayaa ahayd Dumar,waxaana sidoo kale dhaawacmay Shan kale oo xaaladdooda Caafimaad ay qaar daran tahay.

Bishii Ramadaan ayaa sidan oo kale xilli Habeen ah la duqeeyay,waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah kadib markii Madaafiicda ay ku dhacday Guryo Rayidku degganaayeen.