Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Muqdisho

Ugu yaraan 8 Qof ayaa ku dhimatay Weerar Isqarxin ah oo Maanta ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho,waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.
Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen Gaari BL ah oo meesha Marayay,waxaana Qaraxa la sheegay in lagu Weeraray Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cirfiid.
Sidoo kale waxaa jira Khasaare soo gaaray Ciidamada Illaalada u ah Taliyaha Ciidamada Milatariga .
Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa  soo gaaray Ciidamada Ammaanka iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo Gurmad u fidiyay Dadkii dhibaatadu ay soo gaartay.