Faah faahin Qaraxyadii gil gilay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Qaraxyo is xigay oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay labo koontarool oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa hore ayaa ka dhacay agagaarka Koontaroolka lagu magacaabo Madina Gate oo ah koontarool laga galo dhinaca Xalane, halka qaraxa kalena uu ka dhacay Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada Nabadsugida oo ku dhow dhinaca Isgoyska Dan-wadaagta.

Qaraxa hore ayaa ahaa midka ugu xooggana ee laga maqlay magaalada oo dhan, waxaana uu ahaa gaari kuwa xamuulka ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ka hor inta uusan qarxin gaariga rasaas ku furay, gaari xawaare ku socday oo xoog ku soo maray koontaroolka.

Goob joogayaal ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in qaraxaas saameyntiisa laga dareemay garoonka gudihiisa, isla markaana qeybo ka mid ah gudaha garoonka uu bur bur soo gaaray, muraayadaha qaarna ay soo daateen, gaar ahaan qeybta VIB-da.

Waxaa la sheegayaa in khasaarooyin ka dhashay qaraxyadan, waxaana dadka ku dhintay ku jiray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM, inkastoo wararkaas yihiin kuwo isa soo taraya.

Baabuurta Ambalaasta ayaa ku qul qulaya goobta qaraxyada ka dhaceen, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay.

Telefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyada qaraxyada ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jirin qaraxyada kadib ma jirin dabley hubeysan oo lug ku soo gashay meelaha qaraxyada ka dhaceen, sida horay looga bartay weeraradii lagu qaaday Hotelada Muqdisho iyo xarumaha dowladda.

Xarunta Xalane oo ku yaala xeyndaabka garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku yaal Xafiiska UN-ka iyo qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeedka.

Wixii warar ee dheeraad ah kala soco wararkeena dambe