Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Buur hakaba.

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi uu ka dhacay qarax Miino oo lala beegsaday gudoomiyaha degmada buurhakaba iyo ilaalo la socotay sida ay dad goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen.

Inta la xaqijiyay gudoomiyaha degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxa iyadoona gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ciidankiisa ayaa loo la cararay isbitaalka ciidanka Aminsom ay ku leeyihiin Magaalada Beydhaba ee xarunta ku meel gaarka ee maamulka Koonfur galbeed sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed.