Faah faahino ka soo baxaya dagaal degmada waajid ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo dagaalamayal ka titsan Xarkada Alshabaab.

Wararka aan ka heleyno Gobalka Bakool ayaa sheegaya in deegaano hoosyimaada degmada Waajid ee gobalkaasi uu dagaal xoogan ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Dagaalka ayaa imid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ,kuwaa soo la sheegay in ay ku safraayeen deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dadka ku dhaqan degmada waajid ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas xoogan oo ay isku adeegsanayeen dhinacyadii dagaalamay.

Macada Qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka dhex maray labada dhinac balse dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah