Faah faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada New york Ee dalka Mareykanka.

Qarax xoog weyn ayaa ka dhacay xaafad la yiraahdo Chelsea oo ku taalla degmada Manhattan ee magaalada New York. Boolisku waxay sheegayaan inay ka shakisan yihiin in qalab qarxa uu burburiyey daaqad dhisme ku taalla iyo gaari.
In ka badan 20 qof ayaa ku dhaawacmay, hase yeeshee ma aha kuwo khatar ku sugan. Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya in baaldi qashinka lagu guro uu qaraxu kala gooyey.

Qaraxan ayaa yimid saacado ka dib markii bam tubbo ku jiray uu ku qarxay xaafad ku taalla gobolka New Jersey, halkaasoo u dhow meel lagu waday inuu ka dhaco orod ay ka qayb qaadan lahaayeen xubno milateriga ka tirsanaan jiray oo doonayey inay lacag sadaqo ah uruuriyaan. Cidna kuma aysan dhaawacmin.