Faah Faahino ka soo baxaya weerarka dhacay degmada Mandheera ee dalka Kenya iyo Alshabaab oo sheegatay weerarkaas.

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya Dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Alshabaab ay weerar ku ekeeyeen Hotel ku yaaala Degmada Mandeera ee gobalka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

12 Qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka ku dhawaad 30 kalena way ku Dhaawacmen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Mandera Job Boronjo ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ka dhacay Hotel lagu magacaabo Bishaaro oo ku yaalla degmada Mandera,waxa uu sidoo kale taliyuhu tilmaamay in dadka ku dhintay weerarka ay u badan yihiin arday booqasho ku yimid degmada Mandera , islamarkaana u jeedadoodo ay aheyd in ay ka qeyb galaan imtixaanka shihaada dugsiga sare.

10 ka mid ah Dadka dhintay ayuu sheegay in ay ahaayeen dad u dashay gobolada kale ee dalka Kenya, laakiin asal ahaan aysan kasoo jeedin degmada Mandera.

Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa magaalada Mandera waxa ay ka wadaan howgallo xoogan oo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya inkastoo aysan ciidanku Xaqiijin tirade dhabta dadka ay howlgaladaasi ku soo qabteen.

Dhinaca kale War Alshabaab ay ku daabaceen barahooda aye ku sheegeen in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay xalay gudaha u galeen degmada Mandera ee gobolka ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya islamarkaana Halkaasi ay ku dileen Dad aad ufara badan oo Masiixiyiin ah sida ay hadalka udhigeen.