Faah Faahino laga helayo Qarax Ciidan ka tirsan Amisom lagula eegtay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya  Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaanka la yiraahdo  Golweyn ayaa waxa ay ku waramayaan in kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo ciidamo katirsan dowlada  oo marayay halkaasi Lala eegtay Qarax Miino.

Dad goob joogayaal ayaa ku soo warama in Ciidamadu ay isku gadaameyn goobta qaraxa uu ka dhacay waxayna dadka deegaanku ay sheegen in uu jiro Khasaare Qaraxa ka soo gaaray ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada .

War Xarakada AlShabaab ay ku soo qoreen Barahooda ayey  ku sheegteen mas’uuliyada Qaraxan, sidoo kalena Qaraxa kadib halkaasi ay kula dagaalameen Ciidanka AMISOM.

Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay Ciidanka AMISOM ku gaarsiiyeen khasaare, sidoo kalena ay gubeen Gaarigii ay Miinada haleeshay, inkastoo Shabaabka aysan sheegeen Khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaarsiyeen ciidanka Amisom

Sidoo kale Taliska Ciidanka Amisom weli kama aysan hadal qaraxa ciidankooda lagula beegsaday deegaanka Golweyn la yiraahdo ee ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.