Faah Fahin: Qasaaro ka dhashay Qaraxyo Maanta ka dhacay Dagmada Dayniile

Ugu yaraan Hal qof oo Dumar ah ayaa geeriyootay,waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray 3 Qof oo qaar ka mid ah ay Askar yihiin.

Qarxyada oo Labo ahaa ayaa ka dhacay Xaafadda Raadeelka ee Degmada Dayniile,waxaana markii hore Miino ku qaraxday Gaari ay wateen Ciidanka Dowladda,halkaas oo uu dhaawac ka dhashay,waxaana kadib markii la geeyay Isbitaal haddana agagaarka Isbitaalka kula qarxay miino kale,halkaas oo ay ku dimatay Hanweeney ka mid ahayd Shaqaalaha Isbitaalka lagu magacaabo Guutaale oo ku yaalla Dayniile.

3-da dhaawaca ah ayaa labi ka mid ah ay yihiin Askartii loo waday Isbitaalka ee Qarax hore ku dhaawacmay,waxaana Qofka saddexaad lagu sheegay Wadihii Gaari shacab ah oo lagu soo qaaday Dhaawacyada Askarta..

Xog-hayaha Degmada Dayniile Mahad Sharraabe,ayaa xaqiijiyay in Qaraxyadaasi ay saaka ka dhaceen Dayniile,Haweney ku dhimataya sidoo kalena ku dhaawacmeen 3 Qof.