Faallo: Facaa iska celi iyo fowdeynta Dastuurka ka fiirsada! By Guutaale

Dastuurka kmg ah iyo hannaanka billowga ah ee Federaalnimadu, waxa ay wajahayaan fowdo siyaasadeed, madaxda dowlad-goboleedyadu waxa ay u dhaqmayaan sida in aan ficilkoodu yeelan doonan raad iyo saameyn qarameed.

Falcelinta go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku hakisay, duulimaadka Qaadka Kenya, u soo dhoofiso Soomaaliya ayaa soo shaac bixiyey faham xumida Dastuurka iyo habka Federaalka ee dadka nagu metela siyaasadda iyo madaxda hoggaamiya dowlad-goboleedyada .

Qabyaaladda oo weli aan u la’nahay tallaal lid ku ah (Anti tribalism), ayaa qarribeysa dastuur iyo xeer walba oo ka dhasha dhismaha dowladnimada.

Waxa aan fahmayaa in madaxdeena maanta joogta ee noo fadhiya hoggaanka oo ay ku jiraan kuwa dowlad-goboleedyadu, ay ceeb iyo quursi noo soo jiidayaan, iyaga oo iska hilmaansan wixii ayWallaahi, Billaahi iyo Tallaahi mareen, ee weli la hayo iyada oo muuqaal iyo maqalba leh.

Waxa aan maqlay Puntland iyo Jubbaland oo sheegaya in go’aanka joojinta Qaadka ee ay gaartay Dowladda dhexe uu yahay mid aan quseyn, oo gobol walba ay arrimihiisu u gaar yihiin.

Taasi waa fallaagonimo ka dhan ah dastuurka iyo habka federaalka ah ee ku dhigan, kaas oo ergo metesha Jubbaland iyo Puntland ay ka qaybgaleen meelmarintiisa.

Datuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, cutubkiisa 5aad, qodobka 54aad, waxa uu kala qaybiyey awoodaha iyo sida ay u kala leeyihiin dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah , isaga oo ula dhaqmaya dowladda dhexe ee federaalka habka koobidda awoodaheeda ( Power limitation system), kaas oo halistiisa leh,

Sidan ayuu u dhigayaa dastuurku kmg ah habka kala qaybinta awoodaha dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah :

Cutubka 5aad, Qodobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha
“Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo[1]:

1) Arrimaha Dibadda;
2) Difaaca Qaranka;
3)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo
4) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka”…

Go’aanka joojinta qaadka ka yimaada Kenya, waxa uu gelayaa awoodaha dowladda dhexe ee federaalka, mar haddii ay awooddiisa quseyso arrimaha dibadda, oo dastuurku siiyey dowladda dhexe, sidaas awgeed dowlad goboleedyadu waa in ay u hoggaansamaan iyaga oo xeerinaya dastuurka u oggaalaaday in ay noqdaan dowlad goboleed kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Puntland

Dhulkii udugga, (أرض الآلهة), Magacu waxa uu ka soo jeeda taariikh fog, waa magac Masaaridii hore u yaqaaneen Soomaaliya oo dhan,
Waa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee ugu da’da weyn, dowlad goboleedyada Soomaaliyada cusub, ee ogol kamid ahaanshaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, halkii laga filayey Waaya-aragnimo, Waddaninimo iyo Laxaw-jeclo waxa ka soo baxayaa kama turjumayaan kaalinteeda, sababtuna waa madaxda hoggaamisa oo aan u qalmin in ay hoggaamiyaan Puntland.

Dembi laga galo qaranimada oo ka weyn in dastuurka lagu tuntaa ma jiro, waxyaabaha laga bartay Puntland waa in dastuurka la dhowro, haddii iyadii jebineyso markii ay doonto, sidee ku ahaaneyso dowladgoboleed Soomaaliyeed?
Qabyaaladda iyo dhaqan xumida siyaasadeed ayaa kamid ah sababaha naga tuuri doono jar-dheer, oo ay ka soo noqoshadeedu adag tahay.

Mudane Cabdiweli Gaas, madaxweynaha Puntland, maanta ayaad tahay,siima ahaan doontid, aqoontaadu haddii aanay anficin Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan, siyaasad xumidaadu yaanay sababin in muwaadiniintuu kala dheeraadaan, dastuurka ummadda ka dhexeeya uu noqdo la jiifiyaana bannaan.

Koofur galbeed, Jubba iyo Galmudud

Dowladda Federaalka Soomaaliya, dastuurka aad ku tihiin dowlad goboleedyo ayaa siiyey in ay la keliyowdo siyaasadda Arrimaha dibadda, Lacagta, Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Difaaca qaranka, kaalinta idinkaga bannaan joojinta qaadka Kenya, waa in aad fulisaan go’aanka dowladda dhexe.

Waxa hadlay Kenya oo daba-joogta danaheeda ganacsi ee Soomaaliya, iyada oo sheegeysa in ay ka raadineysa suuq ganacsi gobolada aad maamushaan, taasi waa xadgudub iyo faragelin arrimaha dowlad xor ah, qaanuunka ayaa yaqaan habka loola dhaqmo dowlad dooneysa in ay jiirto danaha dowlad kale, si ay uga daneysato, Dowladda dhexe ayay tahay shaqadeeda in ay kula dhaqanto Kenya siyaasadda isu dhiganta, ee isu daaya, oo iyada oo Kenya taagan tahay meel lagula gorgortami karo, ha noqonina gabbaad iyo godin ay adeegsato.

Haddii aad taas diiddaan ama aad gacan togaaleysaan, ogaada waxa aad noqoneysaan Qaainul waddan, xeerka ka yaal qofka ku kaca fal qiyaano Qaran ahna waad taqaanaan
Koobidda Awoodda dowladda Federaalka ah.
Awoodda dowladda dhexe ee federaalka, dastuurku waa uu koobay, iyada oo la raacayo qaabka ay u dhismaan dowladaha federalku oo ah laba nooc,

B. Federal Isu-tag ah: Habkan waxa uu ka dhashaa marka dhowr dowladood oo kala madax bannaan ay isu tagaan, oo ay sameystaan dowlad oo keli ah, taas oo ku dhisaan aragtida Federaalka ee ah in dowladaha ku mideysani ay wax wadaagaan, sina u kal amadax bannaan yihiin.

Qaabkani waa kan ugu adeegsiga badan ee ay u dhismaan dowlado federal ah, waxa sababa qaadashada habkan federal ee ku dhisan isu-tagga 2, arrimood.
Isu dhowaanshaha shacabka dowladaha sameynaya hannaanka federal isu-tag ah ee dhinacyada ilbaxnimada, Dhaqanka,Diinta iyo Caadada.

In dowladaha sameynaya habkan ay dareemaan baahi ay u qabaan Isu-tag, si ay uga hortagaan halis ku soo fool leh ama si ay u hor istaagaan ujeeddo xun oo ka dhan jiritaankooda.

Qaabka federaalka waxaa qaatay oo ku dhismay kuna caana-maalay dowlado ay kamid yihiin Mareykanka, Iswisarlaan, Ustareeliya, Kanada iyo Koofur Afrika.

T. Federal isu furan: Qaabkanina waxa uu sameysmaa marka ay u kala daadato dowlad dhexe oo xooggani dowlado goboleed yaryar, oo leh awoodaha xeerdejineed, Garsoor iyo dastuur u gaar ah, kuwaas oo kamid noqonaya dhismaha hannaanka Federaalka isu furan, habkan waxaa u dhismay Midowgii Soofiyeetka ee burburay, Baraasiil, Arjantiin iyo Meksiko.

Gunnaanad

Muwaadin walba waa in uu ogaado in Kenya nagu qabto dan weyn oo ganacsi, dadka bartay ganacsiga ayaa yaqaane, Dhaqanka ganacsiga waxaa kamid ah in aad xushmeyso rukunkaaga, ula hadasho si deggan oo soo dhoweyn leh.
Kenya Dhul, Bad iyo Hawaba xadgudub joogto ah ayay nagu haysaa muddo dheer, waxa ayna ka qaylineysaa maalmo kooban in aan diidno cunidda qaadkeeda.

Abaalka ay gashay ee ah in ay dad Soomaaliyeed megengelyo siisay waxa gudaya dowladda Soomaaliyeed, taas macnaheeduna ma aha in aan nahay wax ma tarayaal la taakuleeyo.
Sidaas awgeed waa in ay Kenya noo xushmeyso dhul ahaan iyo qaran ahaan, Dastuurka iyo Federaalnimda fowdada aan ka deyno

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga iyo Qaanuunka
Wixii ilduuf iyo meel ka dhac ah uma sameyn si ula kac ah.
_________________________________
[1] -Dastuurka ku meelgaarka ah, La ansixiyey Agosto 1-2012