{FAALLO}:Madasha Wada-tashiga Qaranka oo laga sugayo inay Dib-u-eegis ku sameeyaan Saamiga Reer Somaliland

Mas’uuliyiinta Heerka Qaran iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ee ku mideysan Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa inay maanta Kulan ku yeeshaan magaalladda Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono Qoddobo ku mataansan Doorashooyinka soo socda, Caqabadaha Farsamo iyo Colaadihii ka dhacay magaalladda Gaalkacayo ee u kala qeybsan Maamuladda Galmudug iyo Puntland.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku dhaliilayo 7-da xubnood ee Madasha Wada-tashiga Qaranka inay Kulamadooda ka soo saaraan Qoddobo ay iyagu soo xushaan, kuna qanacsan yihiin in la meel-mariyo.
Madasha waxaa kaloo lagu dhaliilaa inay indhaha ka qabsadeen Qaddiyadaha Muhiimka u ah Danaha Dadka iyo Dalka, waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa iyagoo aan qiimeyn dhab ah siinin Meeqaamka Gobalka Banaadir oo ay ku taallo Caasimadda Qaranka.
Taasi beddelkeeda waxaa Kulamadda Madasha figta sare kaga jira Danaha Maamul-gobaleedyadda, waxaana jira caddaalad-darro ka muuqata sida loo qeybsaday Xubnaha Madasha Wada-tashiga Qaranka.
Xeeldheerayaasha Siyaasadda iyo kuwa Dhaqanka ayaa rumeysan in Sababo aan la fahmi Karin darteeda inaysan Walaalaha Somaliland wax xusbin ku lahayn Xubnaha Madasha, isla markaana aan tixgelin muuqata la siinin Ra’yigooda iyo Rabitaankooda oo xaqiiqdii Asaas muhiim u ah Dib-u-hagaajinta Nidaamka Maamul iyo Midnimo ee dalkeenna Somalia.
Xubnaha Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goballadda W/galbeed Somalia ee ka tirsan Golayaasha Qraanka ayaana laga dareemayaa Ciil-kaambis iyo inay saluugsan yihiin Qaabka ay Madaxda Wada-tashiga wax u hagayaan.
Dadka ku nool Goballadda W/galbeed ee dalka waxay horey Gocasho uga qabeen inay Dowladdii Kacaanka kula kacday Gabood-fal gaarsiisan Dilal, Jir-dil, Xabsi iyo Barakicin, taasi oo u muuqato inaysan Dowladihii KMG iyo Dowladda Federalka weli Garowshiyo ka muujinin Tacadiyadaasi.
Iyadoo ay sidaasi Reer Somaliland wax u gocanayaan ayaa waxaa weli jira Marnaanshaha dhinacooda ee Midnimadda Qaranka, waxaana habboon in la qaado Tallaabo kasta oo lagu soo dumi karo Walaalaha Reer Somaliland ee la yurura Gocashadda iyo Gooni-goosadka.
Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Reer Somaliland ee ku mintidaya Midnimadda Somalia, kuna sugan magaallada Muqdisho ayaa gocasho ka muujiyey Saamiga ay ka heleen Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Waana ayaan-darro inaysan Madaxda Madaasha khibrad u lahayn sida loo xeeriyo Qaddiyaddaha muhiimka u ah Danaha iyo Midnimadda Qaranka, waxana arrin aan garowshiyo lahayn ah in Xubnaha Walaalka Somaliland ka heleen Aqalka Sare lala meel dhigo Tirada loo qoondeeyey Maamul-gobaleedyadda kale.
Si kastaba ha ahaatee, Madasha Qaranka waxaa looga fadhiyaa inay Dareen Waddaniyad yeeshaan, isla markaana ay dib-u-eegis iyo Mudnaan siiyaan Gocashadda Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Reer Somaliland ee u ololeynayo Jiritaanka Midnimadda Qaranka Somalia.