Falaqeen: Man United v Stoke City – macalinka manchester Oo Doonaya Inay Kooxdiisa cebihii hore ee ku asturto kooxda Stoke qeladhaan danbane eesan solaban

Ka dib seddex guuldarro oo isku xigta oo soo gaartay Manchester United, seddex guul oo isku xigta ayaa ku xigtay. Kaliya mid ka mid ah ayaana horyaalka aheyd – 4-1 oo ay kaga badiyeen Leiceser City.

Kooxda Jose Mourinho waxa ay ahaayeen kuwa aan cago badan ku taagneyn kulankii ay ka badiyeen Zorya ee Europa League, laakiin taageerayaasha waa ay aqbali karaan qaab ciyaareed sidaas ah haddii ay guul ku horseedeyso, sidaasi darteed United ayaa ku qasban inay garaacdo kooxda ku jira boosaska lagu hore ee Stoke .

Manchester United ayaa sidoo kale u baahan inay sameyso guulo xiriira ah oo waa weyn oo ay sameeyaan kooxaha ay dhab ka tahay u tartanka hanashada horyaalka.
Man United v Stoke City

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 2pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Robert Madley
SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United ( 4-2-3-1): De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Blind; Herrera, Pogba; Rashford, Mata, Lingard; Ibrahimovic.

Stoke City ( 4-2-3-1): Given; Pieters, Martins Indi, Shawcross, Johnson; Whelan, Cameron; Arnautovic, Allen, Shaqiri; Bony.
download