Fanaan Soomaliyeed oo Ku Dhawaaqay in Fanka uu ka baxay kadib Codsi uga Yimid Hooyadiis

Maxamuud Cali Xaafuun (Amoore) oo kamid ah fanaaniinta codkooda aadka loo jeclaa ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isaga baxay fanka iyo suugaanta kadib 13 sano oo uu howshaan kusoo jiray.

Amoore oo go’aankaan uga dhawaaqay Garowe, ayaa sheegay inuu ilaaheey dartiis iyo codsi uga yimid hooyadiis uu isaga daayay fanka, wuxuuna codsaday inaanan mar dambe loogu yeerin fananan.

Sidoo kale, Maxamuud Amoore wuxuu dadka dhageysta ama daawada heesihiisa ka codsaday inaysan dhageysan oo ay ilaaheey dartiis isaga daayaan.

”Fanka sababta aan u joojiyey waa ALLAAH dartiis iyo Hooyo ” wixii galabta laga bilaabo Fannaan yaan la igu yeerin’ dadka dhageysta ama daawada heesahayga ALLE dartiis ha isaga daayeen” ayuu yiri, Amoore.