Faransiiska oo mar kale soo rogay bandow iyo wadooyinka paris oo cariiri ah

Ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay, saacado kahor inta uusan bilaaban xayiraadda uu dalkaasi soo rogay, sababo la xiriira xanuunka coronavirus oo ku soo labo kacleeyay.

Gawaarida ayaa is daba taxan ilaa 430 meyl (700 km) gobolka Ile-de-France, sida ay warbaahinta dalkaasi sheegeen.

Tallaabooyinka xayiraadda ayaa dhaqangalay saqdii dhexe ee xalay.

Dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda joogaan, marka laga reebo kuwa u baxaya arrimo shaqo oo muhiim ah iyo caafimaad.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkaasi uu khatar ugu jiro mowjad labaad oo fayraska Korona ah, taas oo ka daran tii hore.

Tirada maalin walba xanuunka ugu geeriyoota Faransiiska ayaa sarreysay tan iyo bishoo April, shalayna waxaa laga diwaan geliyay dalkaas 47,637 oo kiisas cusub ah iyo 250 dhimasho ah.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay in dad badan oo reer Paris ah ay ka baxeen magaalada, si inta ay xayiraaddu jirto waqtigooda ugu qaataan magaalooyinka kale ee dalka.