Faransiiska oo qiimeynaya dhaawaca soo gaaray Antoine Griezmann

Antoine Griezmann ayaa qiimeyn doona dhaawac yar oo ka soo gaaray cagta kulankii xalay uu Faransiiska la ciyaaray Sweden ka hor inta uusan go’aansan inuu ka soo muuqan karayo kulanka ay wajahayaan Ivory Coast waa sida ay fahansan tahay Goal.

Weeraryahanka Atletico Madrid ayaa awooday inuu xanuunka ku ciyaaro ilaa laga badelay daqiiqadii 88-aad ee kulankii ay 2-1 ku suul daareen xulka Sweden.

Griezmann ayaa la warinayaa inay barartay cagta lugtiisa, haseyeeshee wuxuu go’aan la gaari doonaa dhakhtarka xulka lagu naaneyso Les Bleus haddii uu awoodi karayo inuu ka soo muuqdo kulanka saaxiibtinimo ay jimcaha la yeelan doonaan xulka ka soo jeeda Africa ka hor inta uusan dib ugu laaban kooxdiisa.

Uma badna in 25-jirka uu wax khatar ah u bareeri doono maadaama kulanka ugu soo horreeya ee 19-ka bisha ay wajihi doonaan Atletico Madrid.

WQ. ismaciil cabdi ibrahim { sanka }