Gaadiidka AMISOM oo Wiil Yar ku jiiray Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka Tirsan  Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Wiil yar waxey ku jiireen xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shaaciye24  ayaa sheegaya in Dadaabaadka militariga AMISOM uu jiiray wiilkaasi islamarkaana wiilka uu halkaasi ku geeriyooday.

Sidoo kale waxaa  uu tilmaamay in marxuumka uu ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysta garaabada ee ku sugan nawaaxiga beerta khaadka.

Shacabka ayaa arintaasi gadood ka sameeyay, inkastoo Ciidamada AMISOM aysan dhag jalaq u siin qeylo dhaanta Shacabka.

Ciidamada AMISOM ayaa Dad shacab ah ku jiiray  wadooyinka ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.