Gaari ay leeyihiin Ciidanka Amisom oo dad Shacab ah ku jiiray Duleedka Magaalada Muqdisho

Gaari ay wateen Ciidamada Amisom ayaa Mooto Bajaaj ay dad shacab saaranyihiin waxa uu ku Jiiraay Deegaanka Jazeera ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Mooto Bajaajka waxaa saarnaay ilaa 3 Ruux waxaana Shilkaasi ku dhintay Hal Ruux waxaana ku dhaawacmay Laba Ruux oo kale .

Dadka ku waxyeeloobay Shlkaan ayaa la geeyay Cisbitaalka Madiina iyadoona meydka iyo Dhaawacaba la geeyay Cisbitaalka.

Ciidamada Booliska Degmada Wadajir iyo Ciidanka AMISOM ee Jooga Degmada wadajir ayaa Gacanta ku dhigay gaarigii Dhalinyarada Jiiray,waxaana ay hadda wadaan Baaritaan ay ku Ogaanayaan Sababta  Gaariga uu u jiiray Mooto Bajaajka.

Ma ahan Dhacdadii Ugu Horeysay oo Ciidanka Amisom Gawaaridooda ay ku Jiirsiiyeen Dad shacab ah waxaana joogta ka noqday Magaalooyinka iyo Deegaanada ay Amisom ku suganyihiin in Gawaaridooda Qafilan ay ku laayay Shacabka Soomaliyeed.