Gaari Saarnaa khaad oo goordhow lagu Gubay Degmo ku Taala gobalka gedo.

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in  Xarakada Al Shabaab ay Weerar dhabo gal ah oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen Gaari Khaad ka soo qaaday Degmada Luuq ee Gobolkaasi.

Gaarigan oo khaad ka soo qaaday Degmada Luuqa ayaa waxuu geeyay Magaalada Garbahaareey, waxaana lagu rasaaseeyay sida la tilmaamay Degaanka Kubo-Faatax xili uu ku sii jeeday Degmada Luuq markii uu ka soo laabtay Gobolka Gedo,sida ay dadka deegaanka u sheegeen Shabakada shaaciye24.

Sida laga Sheegay Degaanka Kabo-Faatax ayaa qiyaas ahaan 45Km waxuu u jiraa Magaalada Garbahaareey ee  Gobolka Gedo.

Weerarkan lagu qaaday Gaariga ayaa waxuu daba socdaan amar dhawaan ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Khaadka aan lagu isticmaali karin Degaanada Gobolka Gedo.

Hayeeshee Ma jirto Wax war ah oo ka Soo baxay Maamulka Gobalka gedo.

Wixii ku Soo kordha la Soco.