Galmdudug oo Maanta Dooratay Laba Xildhibaan oo Kamid Noqonaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya

Doorashada Xildhibaanada aqalka Hoose ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug.

Ergooyinka Maanta waxa ay dooranayeen ila Laba kursi oo Aqalka Hoose ah.

fb_img_1478786113429

Kursiga Ugu Horeeyo Aqalka Hoose waxaa ku Guuleystay Saciid Nuur Gariish oo ah Milkiilaha Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa markii u horeysay ku guuleystay xubinimada Baarlamaanka, isagoo helay 50 cod oo ka mid ahaa 51 cod ee xubnaha Ergooyinka beelaha..

Sidoo kale waxaa Kursiga Labaad ku Guuleystay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad isagoona helay 40-cod, halka Musharaxa kale ee la Tartamayyay C/qaadir Cali Diiriye Gen. Subxaanyo uu helay 10 cod,

12042991_875715605817717_6537707352175250211_n

Xildhibaanada ka haray Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub kuwaasi oo Galmudug ka Imaan doono ayaa Maalmaha soo socda waxaa lagu dooran doona Magaalada Cadaado.