Ganacsade Caan ah oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Sida aanu wararka ku helayno Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Dowladda Hoose ee Xamar ee Canshuurta uruuriya ayaa Ruux Ganacsade ahaa waxuu ku Dilay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Ruuxa la Dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Muusfo, waxuuna ka mid ahaa Ganacsatada Khaadka ku iibisa Isgooyska Zoobe.

Ruux Goobjooga ahaa  ayaa waxuu sheegay in Dilka Ganacsade Muufo uu ka dambeeyay kadib markii murun ku saabsan canshuur bixinta uu soo kala dhex galay isaga iyo Askariga Dilka geystay.

Waxuu sidoo kale uu sheegay in Askari falka dilka ahaa geystay uu goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii ay gacanta ku soo dhigeen Askarigii ka dambeeyay Dilka.

Soomaaliya Ayaa maal mihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Dilal Qorsheysan.