Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Maanta Gabi ahaan Aan Shaqeyneynin

Suuqa Ugu Weyn Ganacsiga ee Soomaliya ee Bakaaraha ayaa Maanta Gabi ahaan Xiran iyadoona Wax ganacsi ah uusan ka jirin Suuqa Bakaaraha.

Ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Amisom ayaa Gudaha uga jira Suuqa Bakaaraha waxaana saakay lagu soo toosay iyadoo Suuqa ay Ciidanka gudaha uga jiraan.

Ganacsatada aya loo diiday in Suuqa ay gudaha u galaan iyadoona dadka suuqa ganacsiga u tagi jiray saakay ay kusoo laabtay Guryahooda kadib markii Ciidanka ay u sheegen in Suuqa saakay Cidna aysan gali karin.

Sida Wararku ay sheegayan Suuqa waxaa ka socda Baaritaan Xoogan oo Ciidanka ay wadaan waxaana la ogeyn Goobta sida Rasmiga ah loo baaraayo iyo waxa xiligaan kusoo beegay.

Bakaaraha waa suuqa Ugu weyn ee Soomaliya waxaana Ku tiirsanaa Malaayiin Ruux oo usoo shaqo tago iyo kuwa Dushooda ka xamaasha oo Qurul yoomkooda ka raadsada.