Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hobyo Oo Shaqada Dib U Bilaabay———–

Waxaa  dib loo howlgaliyey garoonka diyaaradaha Magaalada xeebeedka Hobyo, garoonkan uu dhisay gumeystihii Talyaaniga ayaa dib loo howlgaliyey, kadib markii  dayactir lagu sameeyey dhabaha diyaaradahu ku ordaan, waxaana mashruucan maalgaliyey  Bulshada Hobyo iyo Hay’adda SSF.
Wasiirka  Gaadiidka cirka iyo  dhulka Maamulka Galmudug ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Hobyo, waxaana diyaaradda Starsom ay maanta bilowday duulimaadyo Muqdisho  iyo Hobyo ah.