Garsoorahii Kulankii Barca Iyo PSG Oo Loo Doortay Inuu Dhex-dhexaadiyo Kulanka Barcelona Iyo Juventus

Kadib mucjisadii Camp Nou, Barcelona ayaa todobaadkaan la ciyaari doonta Juventus kulan ka tirsan wareega quarter finalka lugta koowaad markaas oo lagu ciyaari doono Turin, waxaana UEFA ay ku dhawaaqday garsooraha dhex-dhexaadin doona.

Garsooraha reer Poland ee Szymon Marciniak ayaa dhex-dhexaadin doona kulanka Juventus Iyo Barcelona, UEFA ayaana goor dhaw ku dhawaaqday.

Garsoore Marciniak waa dhex-dhexaadiyihii kulankii ka dhacay 14-kii April 2017 ee dhexmaray kooxaha Paris Saint Germain iyo Barcelona markaas oo Barcelona lagu soo xasuuqay garoonka Parc des Princess.

UEFA waxey aad ula dhacday sida hagar la’aaneed oo uu garsooraha reer Poland u maareeyay kulankii Paris, waxaana loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo labada kooxood ee ay taageerayaasha kubadda cagta inta badan ku xagliyaan iney gacan ka helaan garsoorka.

Sidoo kale Szymon Marciniak wuxuu garsoore ka ahaa kulankii ay Juventus 1-0 kaga adkaatay kulan ka tirsan wareega group-yada Champions League.

Marciniak kulankaas wuxuu casaan siiyay Mario Lemina sidoo kalana waxaa rigoore badbaadiyay Gianluigi Buffon oo gool u diiday Alexandre Lacazette.