Garsoorayaasha Dhex Dhaxaadi Doona Kulamadda 13aad Ee Horyaalka England Halkaan Ka Aqriso————-

Maamulka Premier Leaque-ga ayaa sidii caadada ahayd shaaciyay garsoorayaasha iyo kaaliyaasha dhex dhexaadin doona kulamada 13 aad ee horyaalka Ingiriiska. Kulamada 13 aad ee Premier Leaque-ga ayaa la ciyaari doonaa Sabtida iyo Axada 26-27ka November waxaana ugu xiiso badan kulanka London Derby ee Stamford Bridge ku dhex mari doona kooxaha hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Chelsea iyo kooxda aan ilaa hadda guuldaraysan ee Tottenham

Waxaana kulanka Chelsea iyo Tottenham loo doortay in uu dhex dhexaadiyo garsoore Michael Oliver oo maamulka Premier Leaque-gu aad u aaminsan yahay. Kulanka Manchester City ay booqan doonto kooxda dhibaataysan ee Burnley ayuu dhex dhexaadin doonaa  Andre Marriner halka kulanka Liverpool ay martida u noqon doonto Sunderland uu qaban doono Anthony Taylor.

Dhinaca kale kulanka Old Trafford ay Manchester United ku soo dhawayn doonto kooxda West Ham United ayaa loo xilsaaray garsoore Jonathan Moss iyada oo Mike Jones uu dhex dhexaadin doono kulanka Emirates Stadium ay Arsenal ku soo dhawayn doonto kooxda Bournemouth.

HALKAN KA AQRISO GARSOORKA KULAMADA 13 AAD OO DHAMAYSTIRAN:

Sabti, 26 November:

Burnley v Manchester City (BT Sport)
Garsoore: Andre Marriner
Kaaliye: S Beck, A Garratt
Sarkaalka Afraad: J Moss

Hull City v West Bromwich Albion
Garsoore:  Paul Tierney
Kaaliye: I Hussin, D Bryan
Sarkaalka Afraad: M Dean

Leicester City v Middlesbrough
Garsoore:  Lee Mason
Kaaliye: S Ledger, D Cann
Sarkaalka Afraad: O Langford

Liverpool v Sunderland
Garsoore:  Anthony Taylor
Kaaliye: S Child, E Smart
Sarkaalka Afraad: N Swarbrick

Swansea City v Crystal Palace
Garsoore:  Kevin Friend
Kaaliye: J Collin, M Wilkes
Sarkaalka Afraad: S Martin

Chelsea v Tottenham Hotspur (BT Sport)
Garsoore:  Michael Oliver
Kaaliye: G Beswick, S Burt
Sarkaalka Afraad: B Madley

Axad, 27 November:

12pm Watford v Stoke City (Sky Sports)
Garsoore:  Martin Atkinson
Kaaliye: A Nunn, P Kirkup
Sarkaalka Afraad: B Madley

Arsenal v AFC Bournemouth (Sky Sports)
Garsoore: Mike Jones
Kaaliye: A Holmes, M Scholes
Sarkaalka Afraad: G Scott

Manchester United v West Ham United
Garsoore:  Jonathan Moss
Kaaliye: A Halliday, S Bennett
Sarkaalka Afraad: A Taylor

Southampton v Everton (Sky Sports)
Garsoore:  Craig Pawson
Kaaliye: S Long, H Lennard
Sarkaalka Afraad: R East