Go’aanka shaqada looga joojiyay Nile organization wali waa qabyo dhammeystir u baahan !

Go’aanka lagu xiray dugsiyada waxbarasho iyo Isbitaalka hoos taga Nile Organization oo milkiyadeeda uu leeyahay wadaadka suufiga ah ee lagu magacaabo Fethullah Gülen ee mucaaradka ku ah dowladda Turkey ee uu hogaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa loo arkaa go’aan lala soo dib dhacay,qabyana ah oo loo baahnaa in la qaato sanado  kahor ama bilowgii imaanshaha hey’adaasi.

Nile Organization, waxa ay ka howlgashaa wadamo kala duwan, hayeeshee kuma shaqeysato dhul ama guri dowlad leedahay oo aan la xisaabtan jirin !

Nile Organization, waxa ay ku shaqeysaneysay dhul dowladeed oo ah hanti qaran, waxaa si khaldan oo aan sharciga waafaqsaneyn ugu saxiixay mas’uul ka mid ahaa dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed .

Warqaddaasi waxa ay ka dhigneyd ku takrifal hanti qaran muddo ku dheer si ka baxsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada .

Warqaddaasi ma aheyn heshiis ay laba dal dan wadaag ku noqonayeen , ee wuxuu ahaa ganacsi dad gaar ah ay ku fushanayeen dhul dhisan oo aan kiro iyo wax la mid ah aan laga rabin oo qaran uu leeyahay !

Machadka Polytechnic ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa hore u dhistay dowladda Kuuriyada Waqooyi ( Democratic People’s Republic of Korea ) oo u hibeysay Soomaaliya, waa hanti qaran oo aan ku burburin mudadii dagaalada sokeeye , hayeeshee muddo ku dhow lix (6) sano oo kala ah (2011-2016) waxaa ku shaqeysaneysay hey’adaasi oo ka badashay magacii uu lahaa, una bedeshay “Bedir Turkish Secondary School”, arday waliba oo waxbarasho u doonta waxa ay ka qaadi jireen sanadkii lacag dhan $1200 USD .

Dugsiga sare ee Banaadir ( Banaadir sare ) ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaa hore u dhisay shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo fulinaya mashruucii loogu yeeri jiray “Iskaa wax u qabso”, waa hanti qaran oo aan ku burburin mudadii dagaalada sokeeye, hayeeshee muddo ku dhow Seddex (3) sano oo kala ah (2013-2016) waxaa ku shaqeysaneysay hey’adaasi, oo dhismaha u kala qeybisay seddex qeybood, qeyb jiif u ah macallimiinta iyo dhakhaatiirta, qeyb ay ka dhigeen xanaanada caruurta oo ay ugu magac dareen “Kiblenuma Turkish Primary and Secondary School” oo ardayga ugu yar bishii laga qaado $100 USD, iyadoo lacag ku qiimeysan muddo sanad ah laga doonayo arday waliba oo iska diiwaan geliya xaruntaasi, qeybta seddexaad waxa ay ka dhigeen Isbitaal ay ugu magac dareen “Deva Hospital”  oo bukaan socodka looga qaado lacag ku dhow $150 USD oo ah xog wareysiga dhakhtarka iyo baaritaanka dhiigag kala duwan, waxaa intaas u dheer qiimaha lacagta lagu iibsado daawada, si la mid bukaan jiifka , sida kuwa qaliin lagu sameeyay iyo kuwa dhaawacan oo la daweynayo waa xad ka bax lacagaha looga qaado qaliinka, daweynta , daryeelka iyo sariirta.

Haddaba, maadaama wax kira ah ama canshuur ah aaney bixin mudadaasi dheer oo ay ku shaqeysaneysay dhul qaran, iyadoo la ogsoon yahay kala bedelkii nidaamkii KMG ee Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha ka ahaa iyo la wareegista xilka ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha xilligan , kadib waxaa muran galay mudada dheer ee warqadda saxiixan ku calaamadeysan.

Nile Organization, waxa ay hore uga deganeyd Muqdisho laba guri oo kira ah, hayeeshee waxa ay ka faa’ideysatay dabacsanaanta, aqoon yarida dowladnimo iyo nidaamka oo aan hagaagsaneyn, taasi oo u fududeysay in ay kula wareegto warqad aan sharciyeysneyn dhul dowladeed oo dhisan.

Waxaaa ila wanaagsan oo talo aan ku jeedinayaa in haddii hey’adani dib loogu ogolaanayo in dalka Soomaaliya ay ka howlgasho, ay haboon tahay inaaney markale ku shaqeysan hanti qaran oo dadkii xaqqa u lahaa oo ah shacabka Soomaaliyeed lacag aaney awoodin looga qaadayo, waxaase u furan taa badalkeeda inay kireysato dhisme weyn ama guri ku filan howlaheeda, maadaama weli aanu qeexneyn qorshaha qaran ee maalgeshiga iyo lahaanshaha dhul ama hanti maguurto ah.

Nile Academy

Waxaaa ila wanaagsan oo talo aan ku jeedinayaa in Golaha Wasiirada ay kulan kale dib u yeeshaan, ayna laalaan guud ahaan jiritaanka warqadaha sharci darada ah ee qaab dadban u jideynaya ku takrifalka hanti dowladeed oo aan wax kira ah, canshuur iyo la xisaabtan laga sameyn ee ku saabsan hantida muuqata ee qaranku ku leeyahay Muqdisho iyo magaallooyinka kale ee dalka sida dhismayaasha kala duwan ee ku kala firirsan degmooyinka kala duwan ee dalka, Guryaha Shaqaallaha, Guryaha Saraakiisha,Guryaha Martida, Hoteellada, Iskuullada, Machadyada, Jaamacadaha, Jardiinooyinka, Fagaarayaasha Qaranka, Garoomada,dhulalka banaan, Wasaaradaha, Wakaaladaha, Bankiyada, Warshadaha,Beeraha iyo wixii la mid ah.

 

Ali Abdi Ali Hoshow

Email: alihoshow@gmail.com

Twitter: @AliHoshow