Godoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Soo Dhaweyntiisa Ka Socoto Muqdisho———-

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho, iyadoo ay socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo iyo diyaarinta xil wareejinta.

Mr Taabid oo xilliga la magacaabayay ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu ka ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu soo gaaro Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta ama berri uu soo gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Waxaa lagu waday in horaanta todobaadkan uu yimaado, si ay xil wareejinta u dhacdo isla todobaadkan, hase ahaatee waxaa soo baxaya dib u dhacyo ku yimid imaanshihiisa.

Ilo ku dhow dhow Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhamaadka todobaadkan uu imaanayo Muqdisho, iyadoo munaasabada xil wareejinta ay dhici doonto todobaadka soo socda.

Guddi ka shaqeynaya arrimaha xil wareejinta iyo howsha qaban qaabada soo dhoweynta Guddoomiyaha, cusub ayaa la magacaabay, kuwaasoo wada diyaarinta munaasabada xilka ay ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa habeen ka hor loo sameeyay munaasabad sagootin ah, maadaama uu dhowaan xilka wareejinayo.

Magacaabista Taabid ee xilka Gobolka Banaadir ayaa aheyd mid la hadal hayay ka hor magacaabistii Golaha Wasiirada, waxaa la sheegaa inuu ka mid yahay dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, qeybna ka ahaa Ololihiisa doorasho.

Madaxweyne kasta oo Villa Somalia yimaada waxaa caado u noqotay inuu Gobolka Banaadir u magacaabo shaqsi ay isku dhow yihiin, maadaama ay Caasimaddu tahay halka dowladda dhaqaalaha ka hesho.  waxayna si gaar ah kooxda Madaxweyne Farmaajo uga dhigan tahay macno aad u weyn.