Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe in lagu dhageysto khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Madaxtinimo ee uu yeelanayo maamulka Hirshabeelle oo dhawaan oo heer gabo gabo ah maraya dhismihiisa
Golaha wakiilada Maamulka Hirshabeele ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha ay jeedin doonaan Musharaxiinta kuwaasi ay ku soo bandhigayaan wax qabadka ay la imaan doonan hadii ay ku guuleystaan qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Hirshabeele
Waxaa si weyn loo adkeeyay Amaanka guud ee magaalada Jowhar waxaana wadooyinka magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo aad ufarabadan kuwaas oo xaqiijinaya amaanka .
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay kala yihiin
Cali Maxamed Cararaale
Cali Cabdulaahi Cosoble
Maxamed Cabdi Waare
oo dhamaantood ka soo jeeda gobalka Hiiraan
Sidoo kaleMusharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Taagoow Xuseen ,oo iyaguna ka soo jeeda gobalka Shabeelaha dhexe.