Golaha wakiilada maamulka Hirshabeele oo Maanta dooranaya Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in maanta halkaasi uu ka soconayo qaban qaabada lagu dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Waxaa sidoo kale Xalay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhex lagu qabtay kulan ay mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulkaasi ku Dhageysanayeen Qudbado ay jeedinayeen Musharixiinta u taagan Qabashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Waxaa u taagan Sadax Musharax oo lagu kala ah:

Abuukar Xasan

Sh Cismaan Barre

Cali Cabdulle Isgoow

Ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle Waxaa u taagan Hal Musharax oo lagu Magacaabo Cabdi Xuseen Geedi, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo Sharaxday Marwo Canab Axmed Ciise.

Mudaneyaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa mid mid u dhageystay Qudbadaha ay jeediyeen Musharixiinta, maantana waxaa la filayaa in mudanayaashu ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa ku xigeen.