Goob Rateenada Laga Raaco oo Caasimadda Moscow ku taala oo kala Carar uu ka dhacay

in ka badan kun shaqaale,ayaa laga soo waramay inay maanta faarujiyeen dhismaha Xarunta lagu maamulo Tareenada magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka,kadib,kadib markii ay heleen macluumaad la xiriirta fariin digniin ah.

Fariintaasi dingiinta ah ee la soo gaaray ciidamada amaanka, ayaa sheegaysay in waxyaabaha Qarxa  ay ku jiraan dhismahaasi, taasoo sababtay in baqdiin darted lao faarujiyo dhismaha.

Wakaaladda Wararka Ruushka Interfax, ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka Xarruntaasi  isla durbadiiba ay ka kaxeeyeen dhismaha Dhamaan raakaabkii iyo shaqaalihii  ku sugnaa dhismaha  oo ku yaal bartamaha magaalada Mosokow.