Guddiga Doorashada Somalia oo Soo Saaray Xeerar

Guddiga doorashada dadban ee Somalia ayaa soo saaray xeerar hubinaya anshaxa doorashada oo ay qeyb ka yihiin kuwa lagu hubinayo in masuuliyiinta haatan talada dalka haya aaney u adeegsan xilalka ay hayaan, hantida iyo warbaahinta Qaranka sidii doorashada ay ugu guuleysan lahaayeen.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Muqdisho ayey ku faahfaahinyeen halka ay marayaan howlaha hanaanka doorashada, iyo in ay rajo weyn ka qabaan in doorashada xiligeyda ku dhacdo.

Gudoomiyaha Gudigaas waxa sidoo kale carabaabay in madaxa hada joogta aanan hantida qaranka u adeegsan karin ololaha doorashada sida warbahinta qaranka iyo hantida ayna ka soo saareen xeer kaas oo dhamaan ay sixiixi doonaan dhamaan musharixinta u tartamay xilka qaran ee ugu sareeyo sida uu u sheegay gudoomiye Cumar Dhegey.