Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Gaaray Magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Goordhaw waxa uu gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe Halkaasi oo maanta ay ka socoto Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hirshabeele.

Wafdiga Guddoomiyaha si diiran ayaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Iyadoona loo soo galbiyay Howlka ay ka socoto Munaasabada Caleema saarka halkaasi oo sidoo kale uu ku suganyahay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guulled ayaa lagu wadaa in Daqiiqadaha soo aadan uu Magaalada Jowhar soo gaaro isagoona ka qeyb gali doono Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele.

Xaflada hada ayey toos un socota Khudbado kala duwan ayaan halkaasi laga jeedinaaya.